info@eau.edu.so

Ardayda Semester 6aad ee Kulliyadda Afka iyo Ilkaha oo Qaadanaya Practical ku Saabsan Oral Surgery I

Ardayda Semester-ka 6aad ee Kulliyadda Afka iyo Ilkaha (Faculty of Dentistry) ee East Africa University ayaa qabtay casharro Practical ah oo ku saabsan Oral Surgery I, gaar ahaan Basic Oral Surgery Armamentarium.

Practical-kan ayaa diiradda lagu saaray barashada qalabka aasaasiga ah ee lagu fuliyo qalliinnada fudud ee ilkaha, sida qalabka ilko saarista (tooth extraction instruments) iyo basic surgical instruments, si ardaydu u yeeshaan faham qoto dheer iyo xirfad farsamo oo sax ah.

Inta lagu guda jiray tababarkan, ardaydu waxay si toos ah u barteen isticmaalka saxda ah ee qalabka, habka loo qabto, iyo doorka uu qalab walba ku leeyahay qalliinnada ilkaha. Tani waxay qayb muhiim ah ka tahay diyaarinta dhakhaatiir ilko oo leh aqoon iyo xirfad isku dhafan.

Casharkan Practical-ka ah waxaa bixinaayey
Dr. Ayub Said Muse, kaas oo ardayda ku hagay fahamka qalabka iyo hababka aasaasiga ah ee loo adeegsado qalliinnada ilkaha.

Share the Post:

Related Posts

Join Our Newsletter