Ardayda Kulliyadda Medicine ee Semesterka 2aad ee East Africa University ayaa qaadanay xiisad layli-gacmeed oo ku saabsan sida loola tacaalo xaaladda ku margashada (Choking) iyo habka saxda ah ee loo sameeyo Recovery Position.
Layligan ayaa diiradda lagu saaray sidii ardaydu u baran lahaayeen tallaabooyinka degdegga ah ee lagu badbaadin karo qof ay cunto ama shay kale ku margadeen, iyo sidoo kale sida loo dhigo qofka miyir beelay si loo ilaaliyo neefsashadiisa ilaa gargaar caafimaad laga helo.
Intii lagu guda jiray tababarkan, ardaydu waxay si toos ah u barteen farsamooyinka gargaarka degdegga ah (First Aid), iyagoo ku celceliyay hababka saxda ah ee loo isticmaalo marka ay dhacaan xaaladaha degdegga ah ee ku saabsan neefsashada.
