Ardayda Kulliyadda Medical Laboratory – Semester 6aad ee East Africa University ayaa qaadanaya xiisad Practical ah oo ku saabsan maadada Parasitology, taas oo ka socota sheybaarka kulliyadda.
Inta lagu guda jiro layligan gacanta ah, ardaydu waxay baranayaan hababka kala duwan ee lagu aqoonsado laguna baaro parasites-ka keena cudurrada, iyagoo adeegsanaya qalabka sheybaarka iyo mikroskoobka. Tababarkan ayaa muhiim u ah kobcinta xirfadaha ardayda si ay u noqdaan khubaro ku takhasusay baaritaanka iyo ogaanshaha cudurrada ay keenaan cayayaannada iyo dulinnada kala duwan.
Layligan Practical-ka ah wuxuu ardayda siinayaa fursad ay ku xoojiyaan aqoontooda aragtiyeed, iyagoo si toos ah u baranaya hababka saxda ah ee loo adeegsado qalabka shaybaarka iyo sida loo falanqeeyo natiijooyinka baaritaanka.
East Africa University waxa si joogto ah uga go’an horumarinta waxbarashada isku dhafan ee aragti iyo ficil (Theory & Practical) si ardaydu u helaan aqoon iyo xirfad dhammaystiran oo ay ugu adeegaan bulshada.
