info@eau.edu.so

Ardayda Semester 6aad ee Kulliyadda Shareecada oo Soo Bandhigay Wacyigelin ku Saabsan Axkaamta Soonka

Ardayda kulliyadda Shareecada ee Semester-ka 6aad ayaa soo bandhigay wacyigelin ku saabsan axkaamta soonka, iyaga oo ka anba qaadaya casharadii ay dhigteen, gaar ahaan masalooyinka cusub sida:

  • Adeegsiga daawada neefta xilliga soonka
  • Dhiig qaadista
  • Adeegsiga dawooyinka keena in gaajada aan la dareemin
  • Masalooyin kale oo muhiim ah oo la xiriira soonka iyo caafimaadka

Bandhigan oo ujeedkiisu ahaa in ardaydu dabaqaan casharadii ay barteen, ayaa ardaydu si cad u sharaxeen masalooyinkaas si fiqhi ah, iyaga oo soo bandhigay talooyin xukun ahaan iyo caafimaad ahaan qofku uga faa’iidi karo.

Ugu dambayn, hormuudka kulliyadda, Dr. Axmed Faarax Waaberi, ayaa uga mahadceliyay Dr. Ibraahiim Xamiid, macallinka maadada, iyo ardayda Semester-ka 6aad sida quruxda badan ay u soo bandhigeen aqoontooda. Bandhigan ayaa kor u qaaday fahanka ardayda ee axkaamta soonka iyo sida ay u dabaqi karaan casharada ay barteen.

Share the Post:

Related Posts

Join Our Newsletter