Maanta oo Khamiis ah waxaa si habsami leh u qabsoomay kulankii joogtada ahaa ee Golaha Fulinta ee East Africa University, kaas oo ay hoggaaminayeen Dr. Abdullahi Ali Ugas iyo Dr. Said Ahmed Bahwal.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray horumarinta tayada waxbarashada, dardargelinta howlaha jaamacadda, iyo xoojinta wada shaqeynta maamulka iyo kulliyadaha kala duwan.
Sidoo kale, waxaa lagu falanqeeyay arrimo muhiim u ah horumarinta jaamacadda iyo sidii loo sii xoojin lahaa nidaamka maamulka, si loo hubiyo in adeegyada waxbarasho ee jaamacaddu ay noqdaan kuwo tayo leh oo waxtar u leh ardayda.
