Ardayda Kulliyadda Medicine ee Semester 6aad ayaa booqasho waxbarasho (Field Site) ku tagay Xarunta TB-da ee magaalada Boosaaso. Booqashadan ayaa qayb ka ah tababarrada waxbarasho ee ardayda lagu barayo fahamka cudurrada faafa, gaar ahaan cudurka Qaaxada (TB), iyo hababka lagu ogaado, lagu daweeyo, laguna xakameeyo.
Intii ay booqashadu socotay, ardaydu waxay fursad u heleen inay si toos ah u arkaan habraacyada shaqo ee xarunta, adeegyada la siiyo bukaannada, iyo doorka muhiimka ah ee ay xarumahani ka qaataan ilaalinta caafimaadka bulshada.
Booqashadan waxbarasho waxay sidoo kale ardayda siisay faham qoto dheer oo ku saabsan sida cudurrada faafa loola tacaalo, iyo sida ay muhiim u tahay iskaashiga ka dhexeeya xarumaha caafimaadka iyo bulshada.
