info@eau.edu.so

Ardayda Kulliyadda Engineering-ka Oo Fuliyay Concrete Compression Test

Ardayda Kulliyadda Engineering-ka, gaar ahaan Civil Engineering – Sanadka 3aad, ayaa fuliyay Concrete Compression Test, oo ah tijaabo muhiim ah oo lagu cabbiro awoodda ama culayska uu qaadi karo shubka (Concrete).

Tijaabadani waxay door weyn ka qaadataa hubinta tayada dhismaha, maadaama lagu xaqiijinayo in qaldada (Concrete mix) la sameeyay ay tahay mid sax ah oo leh adkeysi ku filan si ay u qaadi karto culaysyada dhismaha mustaqbalka.

Inta lagu guda jiray tijaabada, ardaydu waxay si toos ah u isticmaaleen qalabka lagu cabbiro xoogga shubka, iyagoo baranaya habka saxda ah ee loo tijaabiyo tayada shubka iyo sida loo qiimeeyo natiijooyinka ka soo baxa.

Layligan gacanta ah wuxuu ardayda siinayaa fursad ay ku xoojiyaan aqoontooda aragtiyeed, iyagoo si dhab ah u fahmaya hababka lagu hubiyo tayada shubka iyo muhiimadda ay u leedahay dhismooyin ammaan iyo waara leh.

Jaamacadda Bariga Afrika waxay mar walba ku dadaashaa in ardaydeedu helaan waxbarasho ku dhisan aqoon iyo xirfad isku dhafan, si ay u noqdaan injineerro mustaqbalka dhisa bulshooyin adag oo horumar leh.

Share the Post:

Related Posts

Join Our Newsletter