Isbitaalka Jaamacadda Bariga Afrika ayaa u qabtay afur wadareed hawlwadeennada isbitaalka, iyadoo ujeeddadu ahayd xoojinta iskaashiga, wada shaqaynta iyo xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya dhammaan shaqaalaha isbitaalka.
Munaasabaddan afurka ah ayaa ahayd mid si wanaagsan loo soo agaasimay, waxaana ka muuqday jawi wadajir, is qadarin iyo midnimo dhexmartay hawlwadeennada isbitaalka.
Munaasabadda qiimaha badan waxaa ka soo qayb galay Guddoomiyaha Jaamacadda Bariga Afrika Dr. Abdullahi Ali Ugas, iyo sidoo kale qaar ka mid ah hawlwadeennada jaamacadda.
Kulankan ayaa ahaa mid muujinaya muhiimadda ay jaamacaddu siiso dhisidda xiriir shaqo oo wanaagsan, wada shaqayn iyo dhiirrigelinta hawlwadeennadeeda, si loo sii horumariyo adeegyada caafimaad ee ay isbitaalku bulshada u fidiso.
