Ardayda Semesterka 2aad ee Kulliyadda Midwifery iyo Nursing ayaa si firfircoon u qaadanaya tababar gacmeed ku saabsan IV Injection (Duritaanka Xididka), taas oo ka mid ah xirfadaha aasaasiga ah ee lagama maarmaanka u ah shaqada kalkaalinta iyo umulisooyinka.
Tababarkan wuxuu ardayda siinayaa:
🔹 Faham qoto dheer oo ku saabsan farsamada saxda ah ee duritaanka xididka
🔹 Sida loo ilaaliyo nadaafadda iyo ka hortagga caabuqa (Infection Prevention)
🔹 Kor u qaadidda kalsoonida iyo xirfadda shaqo ee goobaha caafimaadka
Ujeeddada layligan waa in la isku xiro aqoonta aragtida ah iyo khibradda dhabta ah, si ardaydu ugu diyaar garoobaan bixinta adeeg caafimaad oo tayo leh, badbaado leh, isla markaana waafaqsan heerarka xirfadeed.
