Kulan Qado Sharaf ah oo lagu soo Afmeeray Shir-Sannadeedka Jaamacadda Bariga Afrika 2026 | EAU
Munaasabado

Kulan Qado Sharaf ah oo lagu soo Afmeeray Shir-Sannadeedka Jaamacadda Bariga Afrika 2026

Jaamacadda Bariga Afrika ayaa qabatay kulan qado sharaf ah oo lagu soo xirayey Shir-Sannadeedkii Jaamacadda, shirkaan oo ka socday magaalada Garoowe intii u dhexaysey 23–25/08/2026.

Kulanka waxaa kasoo qaybgalay madaxda Dowladda, maamulka Jaamacadda, bahda waxbarashada iyo marti-sharaf kala duwan.

Kulanka ayaa lagu xusay guulihii ay Jaamacaddu gaartey muddadii ay jirtey iyo qodobadii muhiimka ahaa ee shirka lagu ansixiyey.

Waxaa sidoo kale lasoo jeediyey in la xoojiyo wada-shaqeynta, isku-xirka bahda Jaamacadda iyo qorshayaasha lagu sii horumarinayo waxbarashada iyo adeegyada Jaamacadda.

Dhammaan marti sharaftii goobta ka hadashay ayaa bogaadiyey doorka mugga leh ee ay Jaamacadda Bariga Afrika ka qaadato horumarinta waxbarashada deeganka iyo soo saarista kaadir dhalinyaro ah oo ku hubaysan aqoon iyo akhlaaq.

Ku noqo Wararka