info@eau.edu.so

JAAMACADDA BARIGA AFRIKA OO QAABISHAY GUDDIGA DIB-U-EEGISTA IYO QIIMAYNTA MANHAJKA WAXBARASHADA ASAASIGA AH EE PUNTLAND

JAAMACADDA BARIGA AFRIKA OO QAABISHAY GUDDIGA DIB-U-EEGISTA IYO QIIMAYNTA MANHAJKA WAXBARASHADA ASAASIGA AH EE PUNTLAND

Jaamacadda Bariga Afrika waxaa booqasho ku yimi Guddiga Dib-u-eegista iyo Qiimaynta Manhajka Waxbarashada Aasaasiga ah ee dugsiyada hoose, dhexe iyo sare ee Puntland.

Guddiga ayaa booqashadooda ku tagay xarunta Jaamacadda, halkaas oo uu ku qaabilay Guddoomiyaha Jaamacadda Bariga Afrika, Dr.Abdullaahi Ali Ugaas, Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo wadatashiga iyo iskaashiga hay’adaha waxbarashada, iyadoo la tixgelinayo doorka jaamacadaha ee horumarinta tayada waxbarashada, dib-u-eegista manhajka iyo diyaarinta nidaam waxbarasho oo waafaqsan baahiyaha ardayda iyo isbeddellada aqooneed ee casriga ah.

Jaamacadda Bariga Afrika waxay mar walba muhiimad gaar ah siisaa horumarinta waxbarashada, tayeynta manhajyada iyo xoojinta iskaashiga lala yeesho hay’adaha waxbarashada, si loo helo nidaam waxbarasho oo tayo leh, isla markaana dhisa aqoon, xirfad iyo kartida jiilasha mustaqbalka.

Share the Post:

Related Posts

Join Our Newsletter