Waxaa hoolka weyn ee Jaamacadda Bariga Afrika Xarunteeda Boosaaso maalintii khamiista ee Ku beegnayd 24/11/2022 ka qabsoomay xafladdii qalin-jabinta ardayda Dufcadii 22aad ee Jaamacadda.
waxaa xafladda kasoo qayb galay masuuliyiin ka socday dawladda Puntland, Ganacsato, Aqoonyahay, Shirkado, iyo Bulshada qaybaheeda Kala duwan.
waxaa sidoo kale kasoo qeyb galay masuuliyiinta Jaamacadda Ugu sareeysa, sida boorka Jaamacadda, guddoomiya, Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda iyo Dhammaan hawlwadeenada Jaamacadda Bariga Afrika Boosaaso.
waxayna dhammaantood u hambalyo iyo bogaadin usoo jeediyeen ardaydi qalin-jabinaysay sidoo kalena kula dardaarmay ardayd.
Gabegabadii waxaa Shahaado sharaf iyo Abaalmarino la guddoonsiiyeen ardaydii kaalimaha gashay iyo qeybo ka mida haldoorka Bulshada.
waxayna kusoo dhammaatay jawi dagan.



































































