Blog

Tababar ku saabsan cilmi baarista ayaa loo qabtay ardayda Jaamacadda Bariga Afrika.

Xafiiska Arrimaha ardayda Jaamacadda Bariga Afrika Ayaa soo agaasimay tababar ku saabsan Cilmi baarista iyo sida loo sameeyo cilmi baaris, tababarka ayaa waxaa bixinaayey Ustaad Yaxye Maxamed Axmed oo ka socday Hogaan Consultanty.

waxaa munaasabadda tababarka kasoo qayb galay Guddoomiye ku xigeenka akaadeemiyadda Jaamacadda Prof. Cabdisalaam Ciise Salwe, Madaxa xafiiska arrimaha ardayda, madaxa xafiiska ICTga iyo Hormuudka kulliyada Cilmiga Kumbuyuutarka iyo Technolijiyadda.

tababarkan ayaa waxaa ka faaidaystay dhammaar ardayda jaamacadda si gaar ah ardayda sanadka qalinjabinaysa, wuxuuna kusoo dhamaaday si wanaagsan.