Mahad weyn ayaan u celinayaa cid walba oo soo agaasintay xafladdan qaybna ka ahaa qabsoomiddeeda. Waxa aan u hambalyaynayaa ardayda qalinjabisay guud ahaantooda si gaar ah waxa aan rabaa in aan dhiirigeliyo ardaygii baahida gaarka ah qabay ee maanta ka mid ahaa ardayda qalinjebinaysa, waxaan codsanayaa in uu xafiiska iigu yimaado Isniinta. Kulligiinba guulaysta aqoontiina waddanka ugu shaqeeya. Hambalyo
FG. Ardayda uu guddoomiyuhu sheegaayo waa arday lagu magacaabo Abdirahman Ali Osman oo ah arday aragga naafo ka ah kana mid ahaa ardaydi ka qalin jabisay Kulliyadda Shareecada Islaamka ee Jaamacadda Bariga Afrika.