Blog

Guddomiyaha Guud ee Jaamacadda Bariga Afrika oo furay xafladii qalinjabinta 21aad

Kalimada Gudoomiyaha ee Xaflada Takharujka

Assalamu Calaykum

Mahad idilkeed waxay u sugnaatay Allah SWT, oo inoo suurta galiyay inaan isugu nimaano xafladaan quruxda badan ee aan ku maamuusayno Ardadii ka qalin bedelatay marxalada koowaad ee jaamaamacada Bariga Afrika 2020/2021.

Marti sharfta nagala soo qayb gashay xafladaan waan soo dhweynaynaa, farxad iyo sharaf ayayna noo tahay in aad waqtigiina qaaliga ah aad wax nooga hurtaan oo aad nasoo ajiibtaan, si aad uga qayb gashaan xaflada qalin jabinta 21aad ee JBA- Bosaso. Aad ayaad u mahadsantihiin.

Anigoo ku hadlaya magaca Jaamacada, waxaa farxad ii ah, inaan u hambalyeeyo Hambalyo diiran, Ardada qalin badelatay maanta soona gaartay heerkaas sare ee aqooneed.

Farxada, rayn-raynta iyo hambalyada munaasabadaan ugu horayn waxaa leh ardadii horumarkaas aqooneed gaartay ee u dhabar adaygay socdaalka wax barsho ee wali aysan fari ka qodnayn. Waxaa sidoo kale farxada iyo hambalyada la wadaaga Waalidiintooda, qoysaskooda, macalimiintooda iyo jaamacadooda.

Waxaan mahad u celinayaa, waalidiintii, macalimiintii iyo dhamaan hawlwadeenadii kasoo qayb qaatay in ardadaani ay dhameeyaan wax barashadooda heerka koowaad ee degree-ga. Runtii waxaa suurta galiyay inay heerkaan soo gaaraan, Allah ka gadaal, dadaal wadareed ay bixiyeen dhamaan inta aan kor kusoo sheegay.

Mudanayaal iyo Marwooyin, Jaamacadda Bariga Afrika (JBA) waxay ka mid tahay jaamacadaha ugu waaweyn Soomaaliya, waana Jaamacadii ugu horaysay oo laga hirgaliyay Puntland, waana jaamacaddii labaad ee laga aasaaso geyiga Soomaaliya kadib burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliyeed.

JBA waxay leedahay sumcad wanaagsan, heerar tacliin sare iyo aqoonsi gudaha iyo dibada ah, waxay ku hanweyntahay inay soo saarto arday karti iyo xirfad sare leh oo diyaar u ah inay kaalintooda ka qaataan horumarka bulshada iyo wadanka.

Qalinjabiyaasha JBA ee sanadkaan guud ahaa Waa: 1,228

TIRADA GUUD EE ARDADA KA QALINJABISAY JAAMACADA 2020/2021  IYO FARACYADOOD
KulliyaddaTirada
BOOSAASO617
QARDHO63
GAROWE117
GAALKACYO133
GALDOGOB27
BUUHOODLE90
CEERIGAABO81
Wadarta Guud1,228

Xarunta Boosaaso ee manta halkaan aynu ku maamuusaymo qalin jabiyaalkooda: Total 617 arday

Sharia: 70 Business and Management: 79 Information Science and Technology: 70, Education and Science with Marine Science: 78,  Medicine and Health Science: 233, Engineering: 29 Social Sciences and Economics: 41 Veterinary: 17

Total 617 arday

Ugu danbayn, ardada waxaan leeyahay oo kula dardaarmayaa dadaal iyo geedi socod dheer ayaad usoo gasheen inaad maanta halkaan soo gaartaan. Waxaadse ogaaataan fari kama qodna faanoole, taas oo  macneheedu uu yahay geedi socodkii aqoonta iyo hal abuurku wali wuu socdaa, kaliya uun waad qalin bedelateen ee qalinkii aqoonta ma aydin jebin.

Waxaad tihiin mustaqbalka umaada waxaa la idinka filayaa Himilo iyo Hiigsi sareeya iyo inaad u tafa xadataan sidii wadankiina aad u hour marin lahaydeen.

Ardada qaaliga ah ee manta qalin bedeltay, waxaad ogaataan, meel kasta oo aad tagtaan ama u safartaan waxaad wadan doontaan magaca Jaamacada Bariga Afrika, sidaas daraadeed, waxaan idinka filaynaa inaad u ahaataan jaamacadiina safiiro wanaagsan.

Gunaanad, Waxaan markale  u hambalyaynayaa, ardada maanta xafladani u daarantahay, waxaana leeyahay Hambalyo, hambalyo, Hambalyo. Waxaana idiin rajaynayaa oo Allah idiinka baryayaa, guul iyo horumar aan kala go’ lahayn. Waxaan idiin rajaynayaa shaqo wanaagsan iyo Mustaqbal ifaya.

Dr. Abdirazak Mohamud Takar

Gudoomiyaha JBA

25/11/2021